Maktabadaha Magaalada Wellington (Wellington City Libraries) waxaa isticmaali kara dadka ku nool magaalada Wellington City. Maktabadda waxaa yaalla buugaag, ama majallado 400,000 ka badan, kuwaasoo laga qaadan karo, intooda ugu badan bilaash ahaan. Wargeysyada ayaad maktabadaha ku akhrisan kartaan ama duruustiinna ayaad ku daawan kartaan.
Fadlan shaqaalaha caawimo weydiiso si aad u hesho akhbaarta aad u baahan tahay.
Haboon : the first Somali magazine
Caawinaad ah sidaad ugu noolaan lahayd magaalada Wellington:Sida Wellington City Council uu u adeego ama sidaad aga raadsan lahayd guri ijaar ama mid aad iibsato.
Warbixinta caafimaadka iyo ha’yadahooda, taasoo ku jirta goobaha gargaarka caafimaadka, taqtarka ilkaha iyo gargaarka degdegga ah.
Ha’yadda waxbarashada ee carrurta da’da yar, dugsiga hoose iyo dugsiyada sare, jaamacadaha iyo waxbarashada daddka waaweyn.
Warbixin ku saabsan sida shaqada loo raadsado, warbixino taageeraya qofka shaqaalaha ah, iyo aad ku yeelan lahayd bisniskaada waddankan New Zealand.
In lagu fahansiiyo sida uu u shaqeeyo sharciga waddanka New Zealand iyo warbixinnada ku saabsan.
Gaari ku waditaanka waddanka New Zealand iyo habka loo isticmaalo gaadidka dadweynaha.
Warbixin ku saabsan sida lo furto akkaunka bankiga, lacagta iyo habka bankiyada New Zealand ay u shaqeeyaan.
Waxaa kaloo jira sida caawinaadiyo kale oo ku anfacaya waxaa ka mid ah sida ha’yadaha luuqadaha fududeeya, xarfaha goor kasta la isticmaalo ee Kiwiga ah iyo Maoriga, sida looga hor tago haddii dhibaato aafo dabiici ah dhacdo, ama sida loo diro emailka.